Pati Patni Aur Woh waa Hit dhameystiran iyo ganacsigii uu filimkaan sameeyay jimcadiisa labaad.

0
552

Filimka uu hogaamiyahay ka yahay jilaaga dhalinta yar ee Kartik Aryan isla markaasna ay kula jiraan atariishooyinka Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay ganacsi u dhaxeeyo 2.75 ilaa 3 crore asigoona sameeyay kaliya 25% ilaa 30% hoos u dhac ah.

Lacagaha uu filimkaan soo xareeyay maalintii shalay aheyd oo aheyd jimcadiisii labaad ayaa waxay ka dhigantahay in filimkaan hirgalay isla markaasna uu yahay filim Hit ah oo guuleystay.

Filimaak PPAW ayaa haatan gancsigiisa guud marayaa 54 crore waxaana bartilmaameed u ah lacagaha uu soo xareeyay filimka Luka Chuppi ee 75 crore kaasoo ah filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Kartik Aryan.

PPAW haatan wuxuu ku socdaa qaab heer sare wuxuuna heystaa maanta iyo bari oo ah maalin shaqooyinka laga nasanaayo asigoona sare ukac fiican sameyno karo waxaana la filayaa in filimkaan cimri ahaantiisa uu keeni doono qiyaastii 80 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 8 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Isbuuciisa koowaad; 51.25 crore.

Jimcadiisa 2aad; 2.85 crore.

Wadarta guud; 54.10 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here