Home » Box Office » Pawan Kalyan bootadiisa hal maalin ayay ku ekeed madaama filimkiisa Agnyaathavaasi uu sii bur buraayo!

Pawan Kalyan bootadiisa hal maalin ayay ku ekeed madaama filimkiisa Agnyaathavaasi uu sii bur buraayo!

Power Star Pawan Kalyan filimkiisa ugu dambeeyay ee tiyaatarada saaran Agnyaathavaasi maalintiisa kowaad ganacsi taariikhi ah ayuu sameeyay asigoo keenay 60.50 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Balse labadii maalmood ee xigeen filimkaan dhulka ayuu ganacsigiisa galay waxaana la yaab ah in 97% ganacsigiisa hoos u dhacay hadana waxba lagama qabo karo waa mashruuc kale oo Pawan Kalyan ka qasaari rabo.

Shabakada Andhara Boxoffice ayaa soo daabacday filimka Agnyaathavaasi ganacsiga uu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso cabsi weyn ayaa jirto inuu bur bur taariikhi ah noqdo filimkaan:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 47.20 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 31.65 Crore

USA wuxuu ka keenay 11.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 6.32 Crore

Gobolka Karnataka 9.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.78 Crore

Hindiya iyo dunida inteeda kale lacagaha uu kakeenay 4.40 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 2 Crore

Wadarta Guud Isku Darka Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka Lacagaha Uu Keenay, 72.20 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay Maalinta Kowaad 45.75 Crore.

Filimka Agnyaathavaasi kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 125 Crore sidaa darteed kooxda iibsatay qasaaro taariikhi ah ayay la kulmi doonaan waxaana lagu doodayaa Mahesh Babu filimkiisii Spyder bur burkii ku dhacay mid la mid ah in Pawan Kalyan la kulmi doono!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *