Pep Guardiola oo ka hadlay sababta ka ambeyso in la ceyriyo ninka ay isku wadanka yihiin ee Unia Emery.

0
613

Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa ka hadlay sababta ay Arsenal u ceyrisay macalinka kale ee ay dhalashada wadaagaan Unai Emery wuxuuna sheegay in marnaba cayrintiisa aysan ka dambeynin luuqadiisa oo xun darteed sida saxaafada qaar qoreen.

Pep Guardiola ayaa sheegay in sababta Unai loo cayriyay ay tahay natiijo xumo darteed balse aysan luuqada wax shaqo ku laheyn wuxuuna hoosta ka xariiqay hadii Unai kooxdiisa Arsenal natiijo wax ku ool ah gaari laheyd isla markaasna guulo gaari laheyd aan marnaba la ceyrin laheen.

Unai Emery oo horay usoo maamulay kooxaha PSG iyo Saville ayaa sidoo kale laga ceyriyay shaqada kooxda Arsenal kadib guuldaro isdaba joog ah oo kooxdaasi ku habsatay kulamdii ugu dambeeyay Horyaalka EPL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here