Pep Guardiola oo sheegay in maskaxdooda xitaa aysan ku jirin ku guuleysiga Uefa Champions League asigoona markale ka hadlay awooda kooxda Liverpool.

0
552

Pep Guardiola Macalinka kooxda Manchester City ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisa aysan marnaba ku fikireynin ku guuleysiga taranka Uefa Champions League waqti xaadirkaan la joogo.

Pep Guardiola ayaa sheegay ineysan kooxdiisa haatan ku fikireynin ku guuleysiga tartanka horyaalada yurub sabab la xiriirta xaalada ay kooxdiisa haatan ku sugantahay.

Guardiola oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in kooxdiisa u baahantahay dib u habeyn isla markaasna mustawahooda kor usoo qaadaan kahor inta aysan ku fikirin ku guuleysiga Uefa Champions League.

Guardiola ayaa yiri; “inagu kuma fikireyno inaan ku guuleysano tartanka Horyaalada yurub waqti xaadirkaan la joogo, waxa kaliya ee aan ku fikireyno ayaa waxay fahay sidii aan u guuleysan laheyd kulamada nagu soo fool leh waayo ayaga ayaa wax walba kahoreeyaan”.

Pep oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri; “kama fikiraayo farqiga dhibcaha ee noo dhaxeeyo anaga iyo Liverpool iyo dhibcaha ay tahay in Liverpool khasaaraan waayo anaga uma guuleysano haatan sidaan u guuleysan jirnay labadii sano ee ugu dambeysay tanina waa xaqiiqda jirta una baahan inaan xal u helno”.

Pep oo ka hadlayay kooxaha ugu guulaha badan aduunka ayaa yiri ; “waxay u egtahay inaan la tartami Karin kooxaha ay kamid yihiin Liverpool, Manchester United , Barcelona, Real Madrid iyo Juventus sidaas darteed waa inaan marka hore xaalkeena wanaajinaa oo xaqiiqdeena aqblalnaa kadibna horay usii soconaa”.

Pep ayaana hadalkiisa kusoo qatimay; “waa macquul iney tahay markii ugu horeysay oo aan 14 dhibcood ka hooseeyo koox hogaanka heyso tanina waa xaqiiq sababtana waxay tahay khaladaadkii badnaa ee aan suubinay iyo awooda kooxda nala tartameyso waana arimo aadan adiga xukumi Karin wali waxaan ku jirnaa bilowga bisha December waxaana jiro koobab badan oo aan u tartameyno waana muhiim inaan u dagaalanaa”.

Waxaa xusid mudan in kooxda Manchester City haatan kaalinta 3aad kaga jirto kala sareynta tartanka Horyaalka EPL ayagoona leh 32 dhibcood waxayna 6 dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta 2aad fadhiso ee Leicester City iyo 14 dhibcood kooxda Hogaanka heyso ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here