Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la hadlay tartamada ay kooxdiisa rajada kaleedahay ee FA Cup, Carabao Cup iyo UCL.

Pep Guardiola oo ugu horeyn ka hadlaayay tartanka Uefa Champions League ayaa yiri; “tartanka Horyaalada yurub waxaan la cayaari doonaa misna kahor imaan doonaa boqorada tartankaan waayo Real Madrid waxay qaanadeeda ku heysataa 13 UCL “

Pep oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri; “Waxaan gaarnay Finalka Carabao Cup waxaana qeyb ka nahay sidoo kale FA Cup marka waan arki doonaa dhamaadka halka uu xaalkeena ku ekaado”.

Waxaa xusid mudan in kooxda Manchester City horay aysan ugu guuleysan sidoo kalana aysan gaarin xitaa Finalka UCL halka tartamada Carabao Cup iyo FA Cup ay sanadkii hore kuwada guuleysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here