Laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona balse amaahda kula joogo kooxda Bayern Munchen Philippe Coutinho ayaa qirtay in khalad aheyd ka tagistii uu ka tagay kooxda Liverpool sanadkii 2018dii.

Coutinho oo la hadlayay qaar kamid ah asxaabtiisa ugu dhaw dhaw ayaa sheegay iney khalad aheyd ka tagitaankii uu ka tagay kooxda Liverpool wuxuuna laacibkaan hoosta ka xariiqay in mudadii uu Liverpool joogay ay aheyd waqtiyadii ugu farxada badneyd noloshiisa.

Waxaa xusid mudan in Philippe Coutinho uu ka tagay Liverpool xili ay siweyn ugu baahnaayeen balse uu ka doortay kooxda Barcelona asigoona ugu wareegay lacag dhan £146 Million balse wixii laga filaayay marnaba lama uusan imaanin asigoona ku fashilmay inuu halkaas isku muujiyo wuxuuna haatan amaah kula joogaa kooxda Bayern.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here