Waxaan isla ogeyn ama sheekada inoo joogtay in Sushant meeydkiisa la baarayey ilaa xalay ilaa saaka ayuuna baaritaan socday ugu dambeyna galabta xidigaan waa la gubay meeydkiisa ama tacsi hindu ayaa loo dhigay sidaa u taqaanidba.

Baaritaankii Police kadib jawaabta soo baxday maxay ahed: Taliyaha u xilsaarnaa kiiska geerida Sushant waxuu si rasmi ah saxaafada horteeda kaga yiri Sushant waxuu udhintay ama sababsaday marjidii xariga uu isku dal-dalay taasa sababtay inee nafta ka baxdo wuxuuna udhintay si silac ah oo wuuba ugu talo galay sidaas.

Jirkiisa waa la baaray wax kale cadeyn ah laguma arag hadii aan dhihi laheyn qofkale ayaa dilay sido kale sun ma uusan cabin ama maandooriye kaliya xarigaas ayuu dhintay oo uu isku dal-dalay.

Intaas waa xogta baaritaanka jirkiisa balse suaal kale ayaa iirto oo caalamka dhan wada sugayaan maxaa sababay in Sushant is dilo wali suaashan jawaab dhameestiran looma haayo laakiin jawaab kumeel gaar ah ayaa loo haya taaso ah waxaa sababay wuu xanuunsana Depression ama niyad maskixiyana caafimaad ahaan ma fadhin taasi ayaa sababtay inuu falkaas ku kaco.

Suaasha wali ma dhamaan maxaa kalifay inuu niyad jabo jawi wacan ayuuba kujiree howshiisa wey fiicned noloshiisa gaarka ah dhag-dhag ayee ahed November ayuu guursan lahaa maxay tahay murugada iyo niyad jabka hayey oo uu la muraar dilaacay iskuna dilay.

Suaashan ilaa hada qofna kama jawaabi karto si rasmi ahaan lkn xan ahaan 100 jawaab waa loo heli karaa sida jaceyl ayuu la jiraday, xusuusta hooyadiis ayuu la xanuunsaday iyo jawaabo kaleba sikaste ahaataba Police-ka bilba haku qaadate waa inee soo ogaadaan arinkaan.

Hadiise kiiska gabi ahaanba la xiro midaas ayaa ayaan daro ah ayadoon la ogaan Sushant wixii murugo haysteen ileen badana dadka marke isdikaan warqad ayee reebaan ay ku sababeyaan waxay isku dileen Sushant waxba lagama haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here