Home » Nolosha Jilaayaasha » Police-ka Mumbai Oo Daisy Shah Wax Ka Wareesan Doona Kiiska Tanushra 20008 Ahaa!!

Police-ka Mumbai Oo Daisy Shah Wax Ka Wareesan Doona Kiiska Tanushra 20008 Ahaa!!

Atirishada Daisy Shah ayaa sheegtay inee marqaati ka tahay dhacdadii foosha xumeed ee dhacday 10 sano kahor markii Tanushra Dutta gaarigeeda laga bur burinaayye iyadana lagu xad gudbaayey.

Daisy ayaa kamid ahed dadkii ka howl galayeen filmka Horn Ok Please kaaso 2008 la daawaday waxay Daisy mashruucan ka waday ama u qaabilsaned dhanka Dance-ga inee jilayaasha barto oo gacan yare ayee u ahed macalinka Dance-ga Ganesh Acharya.

Waxay tiri oo ay sheegtay intii ay indhaheeda qabteen maalinkas,”aniga waxaan qaabilsanaa in aan Tanushra Dutta tuso habka ay Dance-ga u muujineyso heeska la duubayey sedexdii maalmod ee filmka kujirtay.”

“Kahor inta aynan heeska duubin sedex maalmod ilaa afar maalmod ayaan tijaabo sameeneynay oo ah habkii heeska loo duubi lahaa Tanushra si wacan ayee isugu diyaarisay Dance-ga heeskan labadii maalmod ee ugu horeysay si wacan ayaa loo duubay heeskan.”

“Balse maalinti sedexaad ayuu dhibkan dhacay kadib markii la bilaaway in heeska wax laga bedelo taaso Tanushra ka xanaaqday ilaa ay heeska dhan isaga baxdo waan ka xumahay dhibka soo gaaray maalinkas Tanushra.”

“Si geesinimo leh ayee maanta shaaca wax walbo oga qaaday dhacdadan oo 10 sano kahor ahedna shaaca ka qaaday dabcan dad badan kama war haayan balse aniga mid kamid ah goob joogayaalka ayaan kamid ahay.”

Hadaba hader waxaa la sheegaya in atirishada caanka ah Daisy Shah suaalo badan weydiin doonan Police-ka maadama Police-ka howshooda bilaaween kiiskana dabal gal dheer kusameenayaan.

Maadama Daisy ay ahed marqaati kana mid ahed dadkii howsha ka wadeen mashruuca Horn Ok Please sanadkii 2008 waxaa qasab noqotay in wax laga weydiyo dhacdadan 10-ka sano kahor ahed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *