DCP Pranay Ashok qof u hadlaayo ayaa daqiiqado kahor la hadlay saxaafada oo deg deg ku imaadeen aqalka Sushant Singh Rajput waxuuna usheegay aqbaartii udambeysay ee kiiska isdilka jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput.

Waxay dhaheen Police-ka sida tan,”ilaa iyo hadda baaritaanka waan ku guda jirnaa balse qeybta kowaad ee baaritaanka waan ku guuldareysanay inaan helno wax cadeyn ah oo inoo sheegaya sababta Sushant isku dilay oo waxaan gurigiisa ka weynay wax warqad ah oo tixraac ah misane uudhaafay.”

“Inta badan qofka markuu is dilo waxuu dhaafa ama ka tagaa warqad uu ku cadeynaayo sababaha ku kalifay inuu is dilo hadaba waxaa nasiib daro ah in aqalka Sushant aan ka weynay wax warqad ah markasn guriga imaanay isagoo xarig la laad-laada ayaan u imaanay taasi ayaana inoo cadeysay inuu is dilay.”

“Sidaas ay tahay wali baaritaan ayaan wadnaa iyo sababta ka dambeysa dhimashadiisa wixii soo kordha waan idiin la socodsiineena”

Geerida Sushant Singh Rajput hadal heyn ayee abuurtay walina waxaa la baaraya sababaha ka dambeysa geeridiisa wararka qaar ayaa sheegayaan in niyad jab dhanka nolosha ka heesteen uu isku dilay balse wax rasmi ah ma ahan Police-ka ayaa laga war sugayaa hader.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here