Pooja Hegde Oo Loolan Xoogan Ku Heysa Atirishooyinka Kala Ah Tamannaah Bhatia, Kajal Aggarwal Iyo Shruti Haasan!

Waxaan xalay idiin la wadaagnay in atirishada Pooja Hegde ay saxiixaneyso mashruuc cusub oo ay la jili doonto atooraha Prabhas kaaso ah film qiso jaceyl ah sido kalena ay shaashada kala soo muuqan doonto Prabhas oo xiligan ah atoore aad iyo aad looga jecel yahay daafaha caalamka kadib filmkiisa Baahubali.

Sheekada intaas kuma eka Pooja waxa kaloo la sheegay in ay saxiixan doonto filmka JR NTR filmkiisa xiga ee uu Director-ka ka yahay Trivikram Srinivas sido kale Mahesh Babu na mashruuc kale aye la saxiixan doonta.

Waa arin naadir ah in Pooja hal sano gudaheeda ay sedex Super Stars oo reer Telugu ah la shaqeyso ayadoo sedex mashruuc oo waaweyn la sameyn doonto waxaa la sheegay in mashaaricdan duubistooda bilaawan doonto qeybaha dambe ee sanadkaan halka lawada daawan doono bilawga sanadka dambe 2019.

Tani waxay loolan culus ku noqon doonta atirishooyinkii hore Tamannaah, Kajal iyo Shruti kuwaaso mashaaric waaweyn iyo jilaayal waaweyn hader la shaqeynoonin ama wax qorsha ah xitaa aanan lagu dhawaaqin, sida aawged pooja ayaa maqaayada ushidantahay waqtigaan ayadoo dooqa kowaad ee filmsameyaalka koonfur India noqotay.