Home » . » Poster Boys Waa Filimka Ugu Dhaqsiyaha Badan Ee Sunny Deol Ku Duubo

Poster Boys Waa Filimka Ugu Dhaqsiyaha Badan Ee Sunny Deol Ku Duubo

Filimka Poster Boys waa  filim  hadal  heyn  weyn  xambaarsan  oo  mudo  ka  dib  shaashada  muuqal  ku wadaagaaya  labada  walaal  ee  Sunny Deol  iyo  Bobby Deol.

Haddaba filimka  Poster Boys  ayaa  noqday  filimka ugu dhaqsiyasha  badan  uu  ku  duubo  Bollywood  Macho Man Sunny Deol  oo  duubista  filimkaan  ku  dhameeyay  37-maalmood.

Sunny Deol  duubista  filimkaan  wuxuu  ku  dhameeyay  37-maalmood  Sidoo  kalena  jadwalkii  loogu  tala  galay sedex  ilaa  afar  maalmood  dheeri  ah  ayaa  usoo  haray  Taasi  waxaa  ku  amaanan  Director  Shreyas  sida uu labada  Deol  ula  shaqeeyay.

Poster Boys  waxaa  la  daawan  doonaa  8 September  waxaana  isla  maal  giliyay  Sony Pictures Networks Productions, iyo  Sunny Sounds Pvt Ltd.

Poster Boys goos  gooskiisa si weyn  ayaa  looga helay  ku  dhawaadna  12-milyan  qof  ayaa  Youtube  ka  daawatay ilaa  iyo  hada.