Power Star Pawan Kalyan Oo Ka Hadlay Sri Reddy Wadada Ay Isku Qaawisay Iyo Dadka Fanka Katirsan Oo Ay Ceebeysaneyso!!

Atooraha reer Telugu misane ah shaqsi magac weyn kuleh fanka koonfured ayaa ka aamusi waayey falka ay ku dhaqaaaqday atirishada Sri Reddy taaso todobaadki hore dadka hortooda dharka isaga dhigtay.

Pawan hadalkiisa ma aha mid kasoo horjeeda dacwada Sri Reddy balse qaabka ay u dacwoneyso ayuu kasoo horjeeda iyo hab dhaqankeda xun waxuuna yiri.

“Hadii qof khalad sameyo waxaa waajib ah in la dacweyo maxkamada ayaana wax ka qabaneyso balse in aad Tv-yada aado misane aad ku dacwoto waa wax aan waxba tareyn.”

“Dhibka dumarka heesta waan wada ognahay wax badana arinkaan waan la kulmay aniga ahaana mar walba oo aan la kulmo arinkaan ah Ragga dhibaato jismiyed ku sameynayaan dumarka waan ciqaaba tusaale ahaan sanadkii 1999 xili aan film duubayey ayaan arinkaan oo kale la kulmay waxaana jawab ka dhigay in aan garaacay ninkaas waliba dadka oo u jeedaan iyo xiliyo kala duwana arinkaan waan la kulmay balse sharci ayaa jiro oo wax ka qabanaayo.”

“In aad wadad dhexdeeda isku qaawiso hadalo aan munaasab ahena aad kudhahdo wax micno ah masoo kordhineyso waxaa waajib ah in aad aado saldhiga Police-ka oo aad ka dacwooto dadka dhibka kugu haya markaa Police-ka howshodo udaa ayaga wax ka qabanaya balse ma ahan in aad wadooyinka dharka kudhigato waana wax laga xishoodo.”