Rebel Star Prabhas wuxuu dhawaanahan ku mashquulsanaa soo gaba gabeynta duubista filimkiisa weyn Jaan oo dhawaan jadwal muhiim ah lagu soo duubay dalka Georgia balse nasiib daro filimkan shaqadiisa gabi ahaanba wey hakatay madaama xaalad adag dunida gashay sidoo kalena Coronavirus sababay isku socodkii dunida inuu hakado.

Haddaba filimka Jaano oo Prabhas ku wehliso Pooja Hedge waxaa u harsanaa jadwal muhiim ah oo gudaha USA ama Mareekanka lagu duubi lahaa laakiin suurta gal ma ahan xaalada haatan dunida ka jirto awgeed filimkan daawashadiisa dib ayaa loo dhigay oo sanadka dambe ayaa la daawan doonaa.

Haatan xitaa suurta gal ma ahan horaanta 2021 in la daawado filimkan waxayna u badan tahay bartamaha sanadka dambe in la daawan doono taasi oo ka dhigan in taageerayaasha Prabhas siweyn u niyad jabeen madaama xidigan 2020 wax filim ah usoo bixi doonin horeyna waxay ugu dulqaateen in sanadkii hore filimka Saaho uu la imaaday asigoo 2-sano saaxada ka maqnaa.

Dhinaca kale Prabhas filimkiisa 21-aad ee Nag Ashwin Director ka yahay isagana dib u dhac xoogan ayaa ku yimid mashruucan waayo marka uu Jaan dhameestiro ayuu mashruucan duubi lahaa balse haatan lama yaqaan xiliga Prabhas filimkiisa kale ee xiga oo miisaaniyad adag xambaarsan luqadaha Hindi iyo Telugu lagu daawan lahaa waqti shaqadiisa la bilaabi doono xaalka Hindiya iyo dunida oo xun awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here