Superstar Prabhash waxaa gabo gabo ugu dhow duubis ahaan filimkiisa 20-aad oo Jaan loogu yeero balse ma ahan magaca rasmiga ah mashruucan waana filim jaceyl oo atirisho kowaad ka tahay Pooja Hedge lana daawan doono marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato.

Balse Prabhas ciwaano kale ayuu sameenayaa oo ah filimkiisa xiga ee uu Director ka noqon doono Nag Ashwin waana filim dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan lagu daawan doono sidoo kalena waxaa loo sameyn doonaa si casri ah hordhac ahaana waxaa la sheegay in filimkan in ka badan 550 Crore ($65m) lagu qarash gareen doono.

Waxay ka dhignaan doontaa Prabhas filimkiisa miisaaniyaad ahaan inuu dhaafi doono filimka weyn RRR ee Director ka yahay SS Rajamouli sidoo kalena Ram Charan iyo Jr. NTR hogaamiyaal ka yihiin kaasi oo lagu qarash gareenayo 450 Crore ($59m) waana arin siweyn Koonfur Hindiya looga hadal haayo haatan.

Prabhas waa Pan Star Indian Actor ama atoore Hindiya oo idil filimada ka gadi karo sidaa darteed Director Nag Ashwin wax walaac ah kama qabo filimkiisa madaama uu awooda Prabhas ku tashanaayo weliba filimkan markii hore Chiranjeevi ayaa hogaamiye looga dhigi rabay balse kooxda mashruucan iska leh waxay ku qanceen awooda Prabhas inuu filimkan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ka gadi karo waxaana filimkan duubis lagu bilaabi doonaa bilooyinka dambe ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here