Waxaa muddooyinkii u dambeeyay sii kordhayay is dhex galka jilaayaasha Bollywood-ka iyo kuwa Telugu, si la mid ah filim sameeyayaasha labada dhinac ayaa iyaguna si xooggan isugu milmay.

Xilli dhowaan aktarka awoodda badan ee Prabhas uu soo bandhigay sawirka kaartada filimkiisa xiga ee ay la jileyso atariishada laga magacaabo Pooja Hegde, haddana waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo filimka sii xiga ee uu sameyn doono.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xiddigan uu dhowaan shaashadda kala soo muuqan doono atariishada Bollywood-ka awoodda ku leh ee Deepika Padukone iyagoo wada sameynaya filim India oo dhan laga leeyahay.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale baahiyay in filimkan uu kusoo bixi doono luuqadda Telugu, waxaana lagu wada codeyn doonaa luuqadaha Hindiga iyo Tamil-ka.

Maadaama labada jilaa ay yihiin kuwa shacbiyad tiro badan heysto, waxaa taageerayaasha Bollywood iyo kuwa Telugu ay wada sugayaan isla shaqeynta Prabhas iyo Deepika.

Si kastaba ha ahaatee, faah faahinnada dheeraadka ah ee ku saabsan filimkan waxaa la heli doonaa marka qolada filimka sameyneysa ay si rasmi ah u shaaciyaan mashruucan ay ka soo wada muuqan doonaan Prabhas iyo Deepika, waxaana sidoo kale la rajeynanaa inuu Director ka noqdo Nag Ashwin kaasoo hore u sameeyay filimkii Mahanati.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here