Saxaafada xan lagama waayo hadana waxaa la keenay sheeko ah Prabhas iyo Shraddha Kapoor ayaa xiriir qarsoodi ah ka dhaxeeyo wada shaqeyntooda filimka Saaho ayaa xiriir loo bedelay.

Horey waxaan u ogeyn in xidigaan lagu xanto quruxleyda koonfur India Anushka Shetty oo mudo sanado ah ay isla socdeen aflaam dhowr ahna isla sameyeen balse waligood xiriirkooda dadka uma aysa shaacinin.

Fursad weyn ayaa lagu helay Prabhas oo suaalo badan lagu weydiiyo saxaafada ayaana weydiyeen suaalo ku aadan xantaan la qoro maalin walba ee ah atiriishooyinka Anushka iyo Shraddha inuu xiriir la leeyahay.

Hadaba Prabhas oo la weydiiyay gabadha uu guursan doono midood waxuu ku jawaabay sida tan,”ugu horeyn Shraddha waa qof wanaagsan oo aan dabeecad ahaan isku baranay Filimka Saaho waaba qalad weyn in la dhaho xiriir ayaa jiro ileen wada shaqeyn hada ayaa iskeen horeyso gabadha walaasheen oo kale ah xanta aad ka qoreysaan ka joojiya fadlan.”

“Mida kale Anushka waa saaxiibteyda qaaska ah mudo badana aqoon inaga dhaxeysa xiriirka aad sheegeysaana inagama dhaxeeyo ee saaxiibo ayaan nahay qofka aan guursan doono iyo gabadha xiriirka aan la leeyahayba waqtigii loogu talo galay ayaad ogaan doontaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here