Rebel Star Prabhas ayaa dib ugu soo laabtay gudaha Hindiya xili xaalada ay kacsan tahay cabsi badana jirto madaama Coronavirus Hindiya dhibaato ku haayo sidoo kalena tiyaatarada la xiray lana diiday dadka inay isku imaadaan, culeesyada jiray xidigan wuu ka maqnaa madaama duubista filimkiisa Jaan loogu yeero ku mashquulsanaa.

Prabhas dhawaanahan wuxuu ku maqnaa dalka Georgia oo uu filimkiisa cusub kusoo duubayay marka uu gudaha Hindiya dib ugu soo laabtay Airport-ka ayaa lagu baaray waa laga waayay Coronavirus balse masuuliyiinta caafimaadka qaabilsan waxay u sheegeen Superstar-kan reer Telugu inuu shuruucda dalka raaco sidoo kalena 14-cisho karantiil galo oo uusan dadka la fal galiyay gurigiisana ku ekaado.

Haddaba Prabhas markii uu gurigiisa tagay sidoo kalena xaalada karantiilka ah u bilaabatay ayuu baaq ama fariin u diray taageerayaashiisa iyo qof walbo oo Hindi ah wuxuuna u sheegay inay taxadar badan sameeyaan, lana shaqeeyaan qolyaha caafimaadka sidoo kalena shuruucda dalka u hogaansamaan oo qofkii karantiil la galiyo wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameynin.

Prabhas mudo 10-maalmood ah ayuu dalka Georgia joogay oo uu filimkiisa Jaan ku duubayay marka uu jadwalkiisa soo dhameesteyna gudaha Hindiya ayuu kusoo laabtay waxaana filimkan atirisho kowaad ka ah Pooja Hedge sidoo kalena Priyadarshi ayaa door muhiim ah ku leh sidoo kalena Radhakrishna Kumar ayaa Director ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here