Prabhas waa Superstar awood badan sidoo kalena filimkiisa ugu dambeeyay Saaho asigoo dhaliil xoogan la kulmaayo fariin ahaan ayuu ganacsi 432 Crore sameeyay dibad iyo dal la isku daray sidoo kalena wuxuu noqday filim guuleestay weliba qaybta Af Hindiga lagu daawaday HIT ayuu ka noqday.

Haddaba Prabhas ayaa ugu dambeyntii ka hadlay filimkiisii Saaho dhaliisha xoogan ee lee soo jeediyay wuxuuna yiri “Marka hore waxaan u mahad celinaa taageerayaasheyda meel walbo ay joogaan waayo haddii aysan iyaga daawan laheyn filimkeyga Saaho wuxuu noqon lahaa mashruuc bur buray oo waxaa naga guuleesan lahaayeen qolyaha filimada ka faaloodaan.”

Prabhas oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Waa run Saaho dhaliisha loo soo jeediyay wey jirtaa waayo qaabka sheekada loo dhigay ayaa adkeyd ama dadka ma fahmi karin waxaa fiicneyd Director Sujeeth inuu filimka fariintiisa mid sahlan ka dhigo sidoo kalena dareenka qiirada badan ku badiyo laakiin midaas ma aysan dhicin haatana kama shaleenayo sameynta Saaho waayo ganacsi balaaran ayuu sameeyay aqoonsi weyna waan ku helay.”

Prabhas ayaa sidoo kale la weydiiyay filimkiisa in lagu magacaabo Jaan sidoo kalena Pooja Hedge la jileyso wuxuu yiri “Mashruuceyda xiga door sahlan oo jaceyl iyo daganaansho ah ayaan ku jilaa sidaa darteed waxaan bilaabay inaan miisaanka iska dhimo waxaana dhawaan idinla wadaagi doonaa macluumaad walbo oo ku aadan filimkan magaciisa iyo jilaayaasha ila sameenayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here