Prabhas oo si layaab leh ugu dabaal dagay maalinta dhalashadiisa oo shalay ku beegneyd

0
1286

Jilaaga caanka ah ee Prabhas ayaa maalinimadii shalay waxay ku beegneyd dhalashadiisa, sidaas owgeed Prabhas ayaa qaab layaab leh ugu dabaal dagay.

Inta badan qofka dhalashadiisa tahay Keeg ayaa loo sameeyaa waxaana u sameeyo asxaabtiisa iyo qoyskiisa ugu dhaw, balse Prabhas keega dhalashadiisa asiga ayaa gacantiisa ku sameeyay.

Hogaamiyaha Filimka bahubali oo ku sugan Dalka Talyaaniga halkaas oo uu ku duubaayo filimkiisa sida weyn loo sugaayo ee Radhe Shyam ayaa wuxuu sameeyay Keeg asigoona soo dhigay barxada goobta filimka lagu duubaayay wuxuuna keega ku xardhay ubaxyo qurux badan halkaasoo uu kooxda filimka Radhe Shyam ku marti qaaday.

Kooxda filimka ayaana bilaabeen iney sawiro ka qaataan Keega ayagoona sidoo kale Silfey la galaayay Prabhas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here