Reber Star Prabhas taageerayaashiisa baraha bulshada waxay isla dhex marayeen in Superstar-kan dhawaan guursan doono marka Hindiya xaalad caadi ah kusoo laabato oo laga baxo bandowga sidoo kalena reerkiisa u dooreen gabadhii uu guursan lahaa oo aan fanka ehel u ahayn isaga aqbalay in guurkiisa dhaco sanadkan gudihiisa.

Balse ugu dambeyntii Prabhas sheekadan markii ay sii xoogeesatay ayuu ku qasbanaaday inuu ka hadlo xanta ku aadan guurkiisa madaama ay tahay arinta kaiya ee taageerayaashiisa sugayaan inay arkaan atooraha ay taageeraan oo aqal galaayo ama reer sameesanayo.

Prabhas wuxuu yiri “Waan jeclaan lahaa inaan guursado balse deg deg iguma jirto, weli waxaan heestaa waqti igu filan waxaana sugan doonaa guurka igu habaan ama gabadha aan is leeyahay wey ku wanaagsan tahay nolosha inay kula wadaagto, balse hubanti ahaan cidna weli ma dooranin dhawaana guurkeyga ma dhici doono.”

Prabhas oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Waan ogahay in taageerayaasheyda wax wanaagsan ila jecel yihiin balse dadka dhibka wado waa saxaafada oo marwalbo wax aan jirin buun buuniyaan sidoo kalena cadaadiska warbaahinta ugu heyso si aan u guursado xitaa qoyskeyga sidaas iima cadaadiyaan!

Prabhas waxaa in mudo ah lagu xamanaayay inuu xiriir kala dhaxeeyo atirishada Anushka Shetty oo filimka Bahubali la sameesay balse sheekadaas wuxuu beeniyay sidoo kalena dhawaanahan xanta waxay u wareegsatay dhanka atirishada lagu magacaabo Niharika Konidela waana gabbar la imo adeer ah Ram Charan balse sheekadan gabadhan ayaa beenisay inay Prabhas saaxiib la tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here