Megastar Salman Khan cadaadis xoogan ayaa saaray madaama afartiisa filim ugu dambeeyeen hal filim kaliya Blockbuster ka noqdaya waana Tiger Zinda Hai halka Tubelight, Race 3 iyo Bharat midna HIT dhameestiran noqonin sidoo kalena taageerayaashiisa ka helin qaabka fariin ahaan loo dhigay aflaantaas.

Sidaa darteed Director Prabhudheva ayaa taageerayaasha Sallu niyada u dhisay wuxuuna ka dhawaajiyay labada filim xigaan isaga Director ka yahay Dabangg 3 iyo Radhe sidoo kalena Salman hogaaminaayo inay mada daalo dhameestiran leeyihiin sidoo kalena si sahlan Big Blockbusters ku noqon doonaan.

Salman iyo Prabhudheva wey dhameestireen duubista Dabangg 3 waxaana la daawan doonaa 20 Dec 2019 ama todobaadka feestada Christmas ayadoo taxanahan labadiisa qeybood hore Blockbuster noqdeen wuxuuna Prabhudheva yiri “Waan dareemi karaa filashada iyo ama hamiga taageerayaasha Sallu sidaa darteed waxaan idiin balan qaadaa in Dabangg 3 iyo Radhe ku raaxeesan doontaan sidoo kalena Big Blockbusters noqon doonaan.”

Filimka Radhe Salman wuxuu ka hawl gali doonaa todobaadka ugu soo horeeyo bisha November nagu soo fool leh wuxuuna Prabhudheva yiri “Radhe waxaa la daawan doonaa Eid 2020 hubanti ahaan Sallu doorkiisa waa mid aan horey loo arkin daawadayaashana uu kaga yaabsan doono haatana wax walbo waan diyaarinay dhawaan ayaana shaaca ka qaadi doonaa jilaayaasha lagu soo dari doono anagoo rabno in afar bilood xariir ah shaqada mashruucan kusoo idleeno.”

Salman Khan iyo Prabhudheva horey waxay u wada sameeyeen filimkii hirgalay ee Big Hit-ka noqday Wanted sanadii 2009 markaana labo filim oo xariir ah ayay wada sameenayaan Dabangg 3 iyo Radhe oo hami weyn laga qabo inay Boxoffice-ka wacdaro xoogan ka dhigi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here