Superstar Ajay Devgn ayaa shalay u dabaal dagaayey filimkiisa Bol Bachchan oo 8-sano kasoo wareegatay maalintii tiyaatarada la saaray waxaana la daawaday 6-july 2012 waxuuna noqday Hit weyn Rohit Shetty ayaana Director ka ahaa halka Ajay ay la jileen Abhishek Bachchan, Asin, Prachi Desai iyo Big Bachchan oo muuqaal marti kulahaa.

Hadaba Devgn ayaa baraha bulshada kuxusay shalay mashruucan waxuuna yiri,”markee Bachchan hadlayaan anigu waxaan ahaa mid dhageysta gaar ahaan mudane Amitabh Bachchan waxaan udabaal dageynaa 8-sano inuu jirsaday Bol Bachchan.”

Prachi Desai oo Ajay Devgn walaashiis filimka kujileysay iyo atiriishada Abhishek ayaa baraha bulshada ku qabsatay Ajay waxayna ku heysatay sababta uu iyada iyo jilayaasha kale u xusi waayey oo kaliya reer Bachchan usoo qaatay maadama uu qarash gareeye filimka ka ahaa waxayna tiri xidigtaan iyadoo hadleysa.

“Ajay Devgnow maxaa kugu dhacay miyaad na ilaawday anaga ileen filimka waan kuwada jirnee aaway Asin, aniga,Neeraj Vohra, Jeetu Varma,Krushna, Apshaha iyo Asraniji halkaan noogama aadan yeerin dhamaanteena waan uwada dabaal dageynaa 8-sano Bol Bachchan jirsaday.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here