Kusoo dhowaada xalqada 20-ka December ee taxanaha Bepanah Pyaar kaaso meel xiiso leh maraayo halkaan hoose ka akhriso xalqadan iyo kuwii maalmihii tagay oo aan dulmareyno:

Raghbir iyo Pragati dhib ayaa daba taagan marwalba oo ay isku dayaan inee heshiyaan iskuna soo dhowaadaan waxaa kala geyaan cadowgooda oo u tashtaan balse markaan arinkooda dagaalka meel xun ayuu maraa.

Pragati waxay ku guuleysatay inee soo saarto dhagarta iyo qiyaanada Harshit oo waxay Raghbir u cadeysay inuu lacag badan si qiyaano kudheehan kaga qaatay sido kalena Pragati dambi been ah dusha ka saaray.

Pragati markee soo saarto sirta Harshit iyo wajigiisa dhabta ah waxay isku dayee inee soo saarto dhagarta duq Kunti oo ah cajuusada laadarada filimka ugu weyn balse wey ku guul dareysane oo waxaaba u xanaaqayo Raghbir kaaso marnaba ka aamineynin in Kunti naag xun tahay.

Sahas wuxuu noqday nin xun balse jecel Pragati darteedna wax walbo u sameyn kara waxuu ka heshiinaa Kunti iyo wiilkeeda Harshit si loo kala geeyo Raghbir iyo Pragati qorsho wey ayeena dagayaan.

Pragati ayaa balamineyso Raghbir meel qaas ah si ay uheshiyaan nolol cusubna u bilaawdaan balse seddexda qiyaanada badan ee kala ah Harshit, Sahas iyi Kunti ayaa ka hor istaagayaan inuu Raghbir la kulmo Pragati.

Waxaa dhaceyso in Raghbir cabitaanka wax loogu daro oo uu jahawareero qol hotel ah aya laseexina labo gabdho ayaana qolka lala seexina si Pragati u aragto waana qorsho ay ka dambeyaan iyaga Pragati markee qolka soo gasho wey maxee xili Raghbir waxba kala ogeyn oo sakraansanyahay.

Qalaas xalqada halkaas ayee ku go’ee waxaan sugnaaba waa xalqada xigta iyo waxa ay fali doonto Pragati ileen ninkeeda oo labo naag dhex jiifa ayee aragtau waana arin ay ka naxday xili Sahas dabaal dagaayo ileen qorshahan asaa watay si uu ukala geeyo lamaanahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here