Ruug cadaaga filimada Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka sameeyaan kasoo muuqdo Prakash Raj (See Rabtaa) ayaa kaalintiisa qaatay si uu u caawiyo dadka guri la’aanta ah ee magaalada Chennai xaruna u ah Tamil Nadu xili Hindiya waqti adag ku jirto oo dowlada ku dhawaaqday inaan guryaha laga soo bixi karin.

Prakash Raj (See Rabtaa) wuxuu sheegay in 11-qof magaalada Chennai nolol maal meedkooda ka dhacsan jireen oo aan guri ku laheyn inuu hooy siiyay kadib markii beertiisa uu dajiyay sidoo kalena wuxuu balan qaaday qof walbo oo Chennai ku xaniban kaasi oo aan ka bixi karin inuu beertiisa teendho uga dhisi doono.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Prakash Raj dad masaakiin ah oo shaqo la’aan ku dhacday kuna nool duleedka magaalada Chennai inuu u qeybiyay 150-loor oo bariis ah asigoo caawinaad ka helaayo gudiga gurmadka deg dega ah ee Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi sameeyay waxayna noqotay arin siweyn loogu amaanay Prakash Raj.

Prakash Raj ayaa ku booriyay dhamaan jilaayaasha kale ee Hindiya inay kaalintooda qaataan lana joogo xiligii la is caawin lahaa wuxuuna sheegay ilaa dhamaadka bisha May ama marka xaalada caadi kusoo laabato laga gaarayo beertiisa dadka aan guryaha laheyn dajin doono madaama dhul weyn uu heesto teendhooyina uu ka dhisay iyo meel cuntada lagu kariyo oo raashiin lacag la’aan ah laga siinayo dadka aan Chennai guri ku laheyn oo markii hore shaqo maalmood usoo raadsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here