Atirishada caanka ah ee laga dambeeyo Preity Zinta waxay ka xun tahay inay xabsi guri ku tahay magaalada Los Angeles madaama cidna aysan socon karin xili dagaal culus lagula jiro Coronavirus oo gudah Mareekanka dhibaato xoogan ku haayo ayadoo sedex boqol kun oo qof ka badan ku dhacay xanuunkan.

Preity Zinta iyo seygeeda Gene Goodenough waxay ku wada xaniban yihiin guri ku yaalo magaalada LA waxayna tiri “Aniga iyo seygeyga 22-maalmood ayaan guri ku jirnaa, waa arin dhib badan oo aan xamili karin haddana waan ku qasbanahay inaan guriga joogno oo aan amarada qaadano waa mid dan noogu jirto.”

Preity Zinta oo mar ahaan jirtay atirishada Bollywood-ka ugu awooda badan waqti qurux badana fanka Hindiya kusoo qaadatay waxay sheegtay inay is mashquuliso oo ay haatan cunto karinta noocyada kala duwan guriga ku barato waxayna tiri “Waxaan muuqaal is gaarsiin ahaan kula xariiraa hooyadeed kadibna waxaan maalin walbo ka bartaa cunto karinta noocyada kala duwan madaama wax la qabto jirin waxaa ii fiicnaan laheyd inaan gudaha Hindiya xabsi guri ku galo markaas wax badan ayaa hooyo ka baran lahaa.”

Dhinaca kale Preity Zinta waxay ugu baaqday shacab weynaha Hindiya inay guryahooda joogaan inta xaaladan adag laga guuleesanayo sidoo kalena dadka wax heestaan waxay ugu baaqday inay garab istaagaan ama caawiyaan dad aan waxba heesanin ee guryaha ku xaniban sidoo kalena markii hore nolol maalmeedkooda banaanka kasoo dhacsan jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here