Priyanka Chopra Jonas iyo seygeeda Nick Jonas waxay ka mid yihiin lamaanayaasha ugu caansan dunida sidoo kalena meelo kala duwan socdaal ku tagaan inta badana waxay iska caawiyaan shaqooyinka fanka markii qof xaflad ama bandhig lagu casuumo waa qasab in qofka kale wehliyaa.

Haddaba dhawaan Priyanka iyo seygeeda Nick waxay wacdaro ka dhigeen magaalada Milan si ay halkaas jaceyl ugu soo jilaan wuxuuna Nick warbaahinta u sheegay Milan inay tahay magaalo jaceyl sidoo kalena kaligiis uusan soo aadi karin si xeerka magaaladan uusan u jebinin kadibna lamaantiisa soo watay.

Dhanka Priyanka Chopra waxay sheegtay in magaalooyinka xeebaha Talyaaniga loo dalxiiso tago inta badan imaan jirtay laakiin ay tahay markii ugu horeesay Milan jaceyl ku jisho sidoo kalena farxad u tahay magaalada jaceylka in seygeeda ku wehliyo waqti wacana ay ku wada qaateen.

Kadib Priyanka iyo seygeeda Nick Jonas waxay usii gudbeen magaalada Madrid ee xarun u ah dalka Spain si ay halkaas xaflad faneed kaga qayb qaataan oo lagu casuumay iyo arimo kale oo iyaga u gaar ah inay magaaladan ka fulistaan.

Priyanka Chopra dhawaanahan shaqada Bollywood-ka wey iska yareesay filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa The Sky Pink oo sanadkii hore dabyaaqadiisa la daawaday waxayna sheegtay inay Mumbai kusoo laaban doonto kadibna sameyn doonto aflaan Hindi ah balse waa marka ay kasoo faaruqdo mashaariicda caalamiga ah ee Hollywood iyo musal salo caalami ah isugu jiraan oo ay samaaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here