Deepika Padukone oo kamid ah haweenka dunida ugu caansan waqtigaan ayaa lala yaabay in ID Card lagu weydiiyo iyadoo Airport-ga Mumbai ku dhec sugan waana loo diiday inee gudaha gasho ilaa ay waardiyaasha tusto kaarka aqoonsiga sawirkeedaba ku dhegenaa.

Taageerayaasheeda iyo dadka kaleba inee arinkaas la yaaban maba ahan marka loo fiiriyo in sharciga loo wada siman yahay xidigtaana si edeb kudheehan ayee ula soo baxday kaarka aqoonsigeeda waana sharciyan ama caan ha ahaato ama yeesan ahaanin.

Dhanka kale saxaafada qaar ayaa dib u milicsadeen 2017 mar Deepika lagu qalday atiriishada Priyanka Chopra waana run midaas wey dhacday 2 sano kahor waxaana u sabab ah sida PeeCee kaligeed caan oga ahed Hollywoodka dhanka atiriishooyinka hindiga marka laga hadlo.

Deepika Padukone xiligaas ayee soo galooti ahed ama Hollywoodka ka shaqo bilaaweysay halka Priyanka atiriisho caan ah ka ahed xiligaas waxaana dhacday markee Airport-ga New York ka dagatay in saxaafadii halkass Deepika ku qaldeen Priyanka oo magaca Priyanka ayee ugu yeereen qosol ayeena ugu jawaabtay Deepuu..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here