Atiriisha caanka ah Priyanka Chopra ayaa sawiro laga qabga kudhowaad bil kahor iyadoo ka qeyb galeysa munaasabad Fashion ah seygeeda Nick Jonas-na uu la jiro hase ahaate PeeCee ayaa soo jiidatay indaha dadkii meesha isugu yimid.

Kadib markee soo xiratay labis soo jiidasho leh oo jirkeeda qeyb kamid ah la arkaayo tusaale cajirkeeda ilaa lugaha qeybaha hoose oodhan waana labis hadal heyn dhaliyay aadna loogu mashquulay.

Quruxleydan markee aragtay sida loogu mashquulah iyo hadalada laga qoray ayee ka hadashay waliba saxaafada ayaa ula tageen oo weydiyeen mooye kama aysan hadli laheen.

Waxay tiri,” hada kow ma aha labis noocaas oo kale ah waxaan la yaabay dadka shaqo ka dhigtay labiska shaqsiyaadka caanka ah maxaa ugu mashquushaan labiskooda.”

“Hada iiguma horeyso inaan xirto labis noocaas ah idinkana hada idiin kuma horeyso inaad aragtaan cajir, kub ama lug haweeney leedahay marka in la weyneeyo wax aan weynen ayaaba ah howl la’aan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here