Habeen hore waxaa la qabtay xaflad caan ah oo ay dhigatay haweeyney lagu magacaabo Rohini kuna casuumtay jilayaal badan oo Bollywoodka katirsan shalay ilaa maanta ayaana la hadal hayaa xafladan maadama shaqsiyaad caan ah ku kulmeen.

Priyanka Chopra, Katrina Kaif, Ayushmann Khurrana, Huma Qureshi, Vaani Kapoor, Athiya Shetty iyo kuwa kale oo badan ayaa kamkd ahaayen xidigaha goobta imaadeen.

Katrina waxaa loo aqoonsaday atiriishada meesha ugu shidneed xili ay soo xiratay labis madow oo soo jiidasho leh sido kale PeeCee dhankeeda ayee ka mashquulisay martida goobta timid.

Waxyaabihii meesha ka dhaceen waxaa ugu caansanaa inee sheekesteen Priyanka iyo Katrina oo mudo dheer isugu dambeysay, Priyanka iyo Vaani oo Dance ku tartameen ciyaaro cajiiba ayaa dhaceen.

Priyanka Chopra Jonas and Vaani Kapoor groove to the beats of Hrithik Roshan's Ghungroo with all their energy

Dance-ga Priyanka Chopra iyo Vaani Kapoor ayaa hadal heyn weyn dhaliyay tan iyo xalay Internet-ka la iskula dhexmaraayey waxaa kaloo la wad waday muuqaalka ay ku ciyaarayaan labadan atiriisho waana soo jiidasho sida PeeCee u ciyaartay.

Vaani Kapoor ayaa Instagram-ka soo dhigtay waxayna soo raacisay oraahda ah,”qof kula mid ah majiro Priyanka” markaas ayeena bilaawen dadka inee meel walba ku Share gareyaan hees Hrithik Roshan lahaa waaye mida lagu ciyaarayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here