Priyanka Chopra Maxay Katiri Dagaalki Kareena Ay La Yeelatay Iyo Xiriirki SRK Ay La Yeelatay Wax Ka Ogow!!

Priyanka Chopra oo kamid ah atirishooyinka ugu caansan dunida ayaan idiin kaga heynaa wareyso xiiso leh oo lala yeeshta atirishadan.

Balse wareysiyadan ma ahan kuwa cusub ee waa kuwa hore oo wax looga weydiyay Kareena xur guftii dhex mari jirtay iyo xiriirkii jaceyl ee ay la yeelatay SRK iyo Shahid Kapoor.

Hader la joogo Priyanka iyo Kareena wax khilaaf ah kama dhaxeyo balse waxaa jirtay xili ay xitaa wareysiyada si toos ah isugu duqeyn jiren waxaana usabab ah wada shaqeyntooda iyo tartankii guulaha aflamata ay ku tartami jireen.

Kareena hada kahor waxay wareysi ku sheegtay in filmkeda Heroine uu yahay mid aad u wanaagsan kana wanaagsan yahay filmka Fashion ee Priyanka sameysay waxay kalo kareen raacisay in aysan wax dan ah ka laheen abaal marinta National Film Award oo Priyanka filmkaan lagu siiyay.

Sanadkii 2012 Priyanka ayaa waxaa wax laga weydiyay Heerka ay Kareena gaartay iyo awoodeda ay maanta leedahay waxayna ku jawaabtay Priyanka “Hadii aadan heesanin hal abaal marin oo National Film Award ah waxay lamid tahay inee wax badan kaa maqan yihiin.”

Priyanka waxay Kareena ugu faantay xiligaas inee National Film Award heesato waxaa kalo la weydiyay Karan Johar oo ah Director caan ah sababta uusan wali film ugu sameynin iyada oo Priyanka ah waxayna ku jawaabtay.

“waxaan ahay qof caan ah waxaan kaloo ahay qof yaqaana asaxaabta aadk igu dhow waxaana marwalba la xariira oo aan wada shaqeynaa uun waa asaxaabta aan isku wanaagsanahay oo aan isku dhownahay kuwasana iska warqabnaa uun.”

Hadalkaan waxay ku cadeysay in Karan iyo Kareena saaxibo isku fiican yihiin halka iyada iyo Karan wax saaxibtinimmo aysan ka dhaxeynin waana sababta Karan ugu sameyn waayey film balse akhriste hadalkaan marka ay Priyanka leedahay waa 5 sano kahor xisaabta kudarso.

Waxaa kaloo Priyanka la weydiyay xiriirkii jaceyl ee ay la yeelatay SRK iyo Shahid oo xiligaas aad loogu xaman jiray Priyanka oo sanadkii 2012 suaalahas ka jawaabeysa waxay tiri.

“Hadii aad tahay qof caan ah dadka waxay jecel yihiin ama xaq u leeyihiin in ay ogaadan noloshada gaarka ah marka wararka la isla dhexmaraayo halisla dhexmaro xaqiiqada waa mid marwalba aan qarsoomenin wax xan ahna run lagama dhigi karo wax run ahna xan lagama dhigi karo.”

Hadalkaan shaaca ka qaadis ma ahan oo Priyanka inee xiriir la yeelatay SRK Iyo Shahid ma aysan shaacinin mana aysan beeninin.