Atirishada caanka ah ee Hollywood-ka iyo Bollywood-ka la shaqeyso Priyanka Chopra Jonas ayaa kaalinteeda qaadatay kadib markii 10,000 joog kabo ah ugu deeqday qolyaha caafimaadka Hindiya ka shaqeeyaan oo haatan halgan ugu jiraan ka hortaga faafista Coronavirus-ka sidoo kalena dadka uu xanuunkan soo ritay.

Priyanka iyo hay’ada Crocs India oo iskaashanayaan waxay gaarsiiyeen afar ismaamul gobol oo Hindiya ah 10,000 oo kabo ah kuwaas oo ka hawl galaan gobolada Kerala, Maharashtra, Karnataka iyo Haryana waana kabo tayo wanaagsan leh oo loogu tala galay socodka dheer iyo hawlo adag in lagu qabto waxayna ilaalo u noqon doonaan qolyaha caafimaadka.

Priyanka Chopra ayaa sheegtay inaan la gudi karin abaalka qolyaha caafimaadka Hindiya madaama xaalad adag ku shaqeenayaan una bareerayaan halista cudurka COVID 19 oo xili walbo asiibi karo madaama dad xanuunkan haayo kaalmo kala duwan u fidinayaan waxayna Priyanka sheegtay inay deeqo badan oo dheeraad ah hay’adaha caalamiga ah kaga soo qaadi doonto dadka adeega caafimaad gudaha Hindiya ka hayaan xiligaan.

Priyanka Chopra waxay ku sugan tahay magaalada Los Angeles iyada iyo seygeeda Nick Jonas waxayna sheegtay inay ka xun tahay waqtigaan adag inay dadkeeda wax la qeebsan karin oo aysan gudaha Hindiya soo gaari karin si ay hooyadeed iyo asxaabteeda Hindiga ah ee shaqada wadaaga yihiin ama saaxiibada yihiin waqti ula qaadan laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here