Home » Bollywood News » Priyanka Chopra oo 30 daqiiqo gudahood ku shaqeysan doonta lacagta ay atariishooyinka waa weyn ee Bollywood aflaanta ku sameeyaan

Priyanka Chopra oo 30 daqiiqo gudahood ku shaqeysan doonta lacagta ay atariishooyinka waa weyn ee Bollywood aflaanta ku sameeyaan

Atariishada caanka ka ah Bollywood Town, sidoo kale ka shaqeysa shirkadda aflaanta Mareykanka ee Hollywood Priyanka Chopra ayaa waxay haatan ku jirtaa mashquul dhanka shaqada ah maadaama ay duubeyso musasalkeeda Quantico Season 3.

Priyanka Chopra ayaa sidoo kale ku gudajirta duubista filimka A Kid Like Jake ee uu Director-ka ka yahay r: Silas Howard iyo sidoo kale filimka Isn’t It Romantic ee la daawan doono sannadka 2019ka kaasoo uu Director ka yahay Todd Strauss-Schulson.

Priyanka Chopra waxay Hollywood-ka kusoo gashay filimkii Baywatch, sidoo kale dhowaan waxay qabsatay hadalheynta warbaahinta India ka dib markii ay guri ka iibsatay New York.

Si kastaba ha ahaatee, Priyanka Chopra ayaa haatan lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay dalab ay 30 daqiiqo uga ciyaareyso bandhig abaalmarinno lagu bixin doono (Awards show), waxaana ay ku qaadan doontaa qiimo lacageed dhan Rs 12 crore bisha December ee dabayaaqada sannadkaan ayaana la qabanayaa barnaamijkaan.

Sida laga soo xigtay shabakadda Mumbai Mirror, Priyanka Chopra ayaa la siin doonaa Rs 12 crore si ay uga ciyaarto xafladdaan bisha soo aadan. Waxaase la yaab leh inay PeeCee 30 daqiiqo gudahood ku qaadan doonto qiimo lacageedkaan dhan Rs 12 crore, waana lacag la mid ah tan atariishooyinka waa weyn ee India ay ku qaataan sameynta aflaanta Bollywood.

Priyanka Chopra ayaa xafladdaan ka ciyaari doonta iyadoo ku ciyaareysa heesaha caanka ah ee aflaanteeda Bollywood, sidoo kalena waxay ka qaadi doontaa heesaheeda caalamiga ah.