Atariishada Bollywoodka sidoo kalana Hollywoodka ka xamaalato haatana ah xaaska Nick Jonas ayaa waxyaabo badan oo nolosheeda khaaska kamid ah ka hadashay waxaana kamid ah markii ugu horeysay ay damacday in Nick Jonas shukaansato.

Priyanka Chopra ayaa sheegtay in ay aheyd sanadkii 2016dii markii ugu horeysay ay damacday iney shukaansato Nick Jonas markaas oo ay daawatay muuqaalka heestiisa Close kaasoo ay la qaadeyso fanaanada reer Sweden ee Tove Lo.

Priyanka ayaa tiri; Waxaan daawaday muuqaalka heesta Close runtii aad ayuu iisoo jiitay gaar ahaan markuu shaatiga iska siibaayo inkastoo aanan aqoon buuran horay ugu laheyn balse muuqaalkaas kadib siweyn ayuu qalbigeyga u taabtay”.

Waxaa xusid musan in 37 jirtaan iyada iyo Nick Jonas ay dabayaaqadii sanadkii 2018dii is guursadeen haatana yihiin lamaane nolosha wadaago inkastoo Nick Jonas uu 11 sano kayaryahay Priyanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here