Priyanka Chopra oo guul daro lagu salaamay iyo Filimka The Sky is Pink iyo mudo labo todobaad lacagaha uu soo xareeyay.

0
721

Pryanka Chopra iyo Farhan Aktar filimkooda The Sky is Pink ayaa 67% hoos u dhac sameeyay todobaadkiisa labaad mudo 6 maalmood ah asigoona keenay kaliya 4.50 crore wuxuuna sida muuqata maalinta u dhiman ku darsan doonaa 0.50 crore.

Sidaas wuxuu todobaadkiisa koowaad ku keeni doonaa lacag dhan 5 crore asigoona sidaas ku sameeyay 67% hoos u dhac ah.

Filimkaan oo ay kusoo laabatay Priyanka Chopra taasoo mudo 3 sano ka maqneyd Bollywoodka ayaa gabi ahaanba fashilmay hadaba halkaan hoose kaga bogo mudo labo todobaad lacagaha uu keenay The Sky is Pink.

Todobaadkiisa koowaad; 15.47 crore.

Todobaadkiisa labaad mudo 6 maalmood ah; 4.50 crore.

Wadarta guud; 19.97 crore.

Tan ayaa waxay ka dhigantahay in filimkaan tiyaatarada laga dajin doono isbuucaan maadaama loo baneyn doono filimka weyn ee Housefull 4.

Priyanka Chopra soo laabashadeeda Bollywoodka ma aheyn mid qurux badan waxaana lagu soo dhaweeyay guuldaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here