Maadama dalka India oodhan bandow kajiro dadkana guryahooda kujiraan bahda Tv-yada ayaa iskudayayaan inee dadka ku madadaaliyaan Filimadii hore, musalsaladii hore, iyo wareysiyadii hore dhanka fanka hindiya waxaana bilaawatay dib u milicso barnaamijyo ah maadama warae Update ah ama Filimo cusub jirin.

Kanaalka Star World ayaa ballan qaaday in 9:00 am subaxnimo ilaa 9:00 pm habeenkii fiidnimo uu soo deyn doono maalin walba dhamaan xalqadaha barnaamijka xiisaha badan ee Koffe With Karan si dadka ugu madadaalaan dibna ugu daawadaan xalqadahan.

Hadaba 5-qodob oo koo kooban ayaa kasoo qaadaneen misane ah 5 xalqo kala duwan oo xidigo kala duwan Karan Johar wareysi ka qaaday 5-maqaal ayaa ka kala dhigeena anagoo maqaal walba qodob ku xuseyno hadaba qodobka 5-aad hoos kaga bogo:

Qodobka 5-aad Koffe With Karan oo na ah midka ugu dambeyo:

Priyanka Chopra iyo Shahid Kapoor ayaa si wadajir ah oga qeyb galeen hada kahor barnaamijka Koffe With Karan ee xiisaha leh xalqadooda gaarka ah xidigahan kaftan iyo arimo xasaasi ah ayee kaga hadleen goobta Karan ayaana suaalo hadal heyn dhaliyeen weydiiyay labadan jilaa.

Mid kamid ah suaalahaas waxay ahed Karan ayaa Priyanka weydiiyay xiriirka xanta ahaa ee xiligaas la isla dhexmaraayey inuu ka dhaxeeyo iyada iyo Shahid Kapoor waxuuna rabay Karan inee PeeCee goobta ku xaqiijiso xirirkan balse wey iska diiday oo waxay tiri.

“Waa run aniga iyo Shahid inaa saaxiib nahay sido kalena wada shaqeyn naga dhaxeyso daawadayaashana ka heleen iskusoo dhowaanshaheena shaashada laakiin taas micnaheeda ma ahan inaa lamaaane run ah nahay oo xiriri inaga dhaxeeyo.”

Shahid ayaa soo booday misane yiri,”oo hada saaxiib caadi ah bas miyaa nahay xiriir kale majiro miyaa” waxay Priyanka ku jawaabtay,”maya majiro” Karan iyo Shahid ayaana la yaabeen sida ay Priyanka xiriirkan u inkireyso markee kaamerada hor joogto dadkana oga qarineyso.

Waxaa la sheegay in wariye caan ah booqday guriga Priyanka si uu wareysi ula yeeshto waxuuna gurigeeda ku arkay Shahid Kapoor waliba isagoo kasoo baxaayo qolka jiifka ah ee PeeCee waana mudo sanado kahor xili xiriirkooda la hadal hayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here