Corona Virus ayaa India si weyn ugu faafay maalmihii lasoo dhaafay waana qasab in India laga helo sababto ah China ayee daris yihiin oo ah dalkii ugu horeeyay laga helay cudurkaan hadaba jilayaasha Bollywoodka ayaa heeggan kujiraan ayagaoo si weyn isaga ilaaliyaan inuu Virus-kan haleelo difaac culus ayeena galeen.

Atiriishada Priyanka Chopra ayaa kow ka ah xidigaha sida weyn isaha taxadiraan xili ay la socotay seygeeda Nick Jonas misane ay ka qeyb galayeen xaflad dad ganacsato Hindu dhigteen ayee arinkaan dhacday waana 7 Maarso ama shalay.

PeeCee markee gaarigeeda kasoo dagatay waxaa gacanta usoo taagay nin kamid ah dadkii martida soo dhaweynaayey oo qoyska xaflada dhigteen kamid ah marka muuqaalka la arkay labo midba wuu udhigmaa kow inee Priyanka cuddurkaan iska difaaceysay iyo inee ninkaan la kaftameysay.

Markuu gacanta usoo taagay si uu usalaamo Priyanka ayaa diidday iyadoo u tilmaamtay inee Virus-ka ka cabsi qabto waliba wey qososhay weyna kasii dhaqaaqday ayadoo aan gacanta-gacanta ugalinin ninkii salaamta usoo taaggay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here