Priyanka Chopra oo kamid ah haweenka dunida ugu caansan ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday sababta ku kaliftay inee guursato wiil da’ahaan ka yar ugu dambeyna ay guursatay isla isaga misane ah Nick Jonas.

Nick Jonas waa fanaan ama heesaa caan ah una dhashtay America waxayna is guursadeen Priyanka Chopra taariikhda marke ku beegned December 2018 haatana mudo hal sano ka badan ayee wada nool yihiin.

Hadaba Priyanka ayaa wax laga weydiyay waxay kujeclaatay Nick kuna kaliftay inee ugu dambeyn guursato iyadoo hadleyso waxay tiri,”markaan daawaday heeskiisa “Close” ayaa go’aansaday inaan la haasaawo Nick.”

“Aniga waxaan ka helaa Music-da iyo dhageysiga heesaha waxaan daawaday heesla “Close” ee Nick sameeyay waan ka helay heeskaas sido kale markuu shaarka dhigtay ee uu xabadkiisa baneestay waa marka aan go’aansaday inaan xiriir la sameeyo isaga heeskaasna ilaa maanta waa dooqeyga waana heeska u sabab noqday guurkeena.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here