
Atirishada Priyanka Chopra waa mid kamid ah atirishooyinka ugu quruxda badan Bollywoodka ayadoo ay u gaar tahay ine noqotay gabadha dunida ugu quruxda badan (Mss World).
Atariishada caanka ka ah Bollywood Town laakiin sanadahan dambe waxaa ay u wareegtay samaynta aflaamta Mareykanka ee Hollywood Priyanka Chopra oo dhawaan waxa ay guursatay fanaanka reer america nick jones
atariishadan oo dhawaan xayeesiin u samanysay filimka Sky is Pink ayaa waxa ay wareysi siinaysa wargeyska indian express ayaa waxa lagu weydiiyay farqiga u dhaxeeya samaynta aflaamta labada shirkadood ee kala ah bollywoodka iyo hollywoodka iyo waxa ay labadooda ku kala duwan yihiin?
Priyanka chopra oo arrintaas ka hadlaysaa ayaa waxa ay tiri ” aad ban ugu faraxsanahay inan u shaqeeyo labada shirkadood waxaana ay midaas ii sahashay inan yeeshto asxaab fara badan laakiin waxaan waayay ama aan u xiisay samaynta aflaamta bollywoodka maadama ay leeyihiin madadaalo dhamaystiran sida dance-ga iyo heesaha kaaso aadan ku arkaynin aflaamta hollywoodka waana mid aan si weyn ugu xiisay ”