Priyanka Chopra oo SRK iyo Salman Khan ku garaacday jilayaasha India kuwooda loogu raadinta badanyahay Internetka.

0
979

Atariishada Priyanka Chopra Jonas ayaa meel iska saartay labada jilaa ee India ugu shacbiyada balaara ee Shahrukh Khan iyo Salman Khan iyadoona noqotay qofka koowaad ee sanadkaan loogu raadinta badanyahay Internetka.

Sida ay qortay shabakada BollywoodLife celcelis ahaan tirade bilkasta Priyanka Chopra Internetka ka raadineysay ayaa aheyd 4.20 Million halka Sallu oo kaalinta labaad galayna ay aheyd 2million waxaana qiimeyntaan u dhaxeysaa oktobar 2018dii ilaa oktobar 2019kii.

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Amrish Puri oo 2004tii geeriyooday uu liiskaan qeyb kayahay isla markaasna uu ku jiro kaalinta afaraad waxaana ka horeeyaan Priyanka Sallu iyo SRK.

SRK Deepika, Padukone, Katrine Kaif, Sunny Leone, Ranveer Singh, Imran Khan, Amitabh Bachchan iyo Alia Bhat ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa liiska lasoo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here