Lamaana caanka ah ee sida weyn saameynta ugu leh dhanka Hollywood-ka iyo Bollywood-ka waa Priyanka Chopra Jonas iyo Nick Jonas ayaa maalin walbo baraha soo dhigaan xaalad ahaan sida ay ku sugan yihiin madaama karantiil ku jiraan ayagoo amarka dowlada Mareekanka qaateen xili ay ku sugan yihiin magaalada Los Angeles.

Priyanka iyo seygeeda Nick haatan 11-maalmood ayay xaalad karantiil ah ku jiraan inkastoo caabuqa halista badan Coronavirus uusan asiibin haddana waxay galeen xaalad karantiil ah markii ay ku laabteen gurigooda ku yaalo Los Angeles.

Sedex maalmood kadib ama 14-cisho marka ay dhameestaan ayay xaalada karantiilka ah lamanahan ka bixi doonaan markaasna dadka soo dhex gali doonaan ama hawlahoda sii wadan doonaan balse waxay sheegeen inay haatan waqti badan isku heleen madaama labadooda kaliya guriga ku yihiin banaanka aysan u bixin mudo 11-maalmood ah.

Inkastoo karantiil ay ku jiraan haddane lamaanahan maalin walbo sawir ayay baraha bulshada soo dhigaan waxayna sidoo kale fariin u diraan taageerayaashooda ayagoo ka wacyi galiyaan halista Corona sidoo kalena la shaqeeyaan qolyaha caafimaadka isku socodkana dadka ay yareeyaan si looga guuleesto Coronavirus oo dunida oo idil saameyn xoogan ku yeeshay.

Dhinaca shaqada markii aan eegno Priyanka waxaa u diyaarsan filimka sida Online ah looga daawan doono barta Amazon ee lagu magacaabo Citadel by Russo Brothers iyo filimada barta Netflix laga daawan doono We Can Be Heroes iyo The White Tiger, waxaa intaas u dheer labada filim Hollywood-ka ah Matrix 4 iyo Ma Anand Sheela inay shaqooyinkooda ku hawl tahay waana labo filim tiyaatarka laga daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here