Priyanka Chopra Jonas oo ah atirisho Hindi ah kana soo muuqato filimada Bollywood-ka, Hollywood-ka iyo aflaanta sida Online ah loo daawado waxay u dhaxdaa heesaaga iyo jilaaga Mareekanka ah Nick Jonas waxayna si rasmi ah lamaanahan u aqal galeen December 2018 haatana waxay ka mid yihiin shaqsiyaadka ugu caansan caalamka uguna daqliga badan.

Waxaan idiin heynaa warbixin ka hadleyso Priyanka iyo seygeeda Nick daqliga soo galo, hantida guud ay heestaan iyo macluumaad kale oo xiiso badan oo lamaanahan caanka ah u gaar ah iyo sidoo kale labadooda midka daqli badan ama hanti badan.

Priyanka daqligeeda & hantida ay heesato: Sida ay shirkada Forbes shaaca ka qaaday sanadkii hore 2019 Priyanka kaalinta 14-aad ayay ka gashay 100-ka shaqsi ee caalamka ugu caansan uguna daqliga badan waxaana daqlihaan soo galay markaas 23.4 Crore ($3.08m) sanadkii hore. Waxaa la sheegay in halkii filim Hindi ku sameyso 12 Crore ($1.58m), halka dhanka bandhigyada ay masraxa ka sameyso ama xafladaha lagu casuubo ku kasbato halkii mar 5 Crore ($658k). Ugu dambeyntii PeeCee waxaa la sheegay hantida ay heesato inay gaareyso $50m (367 Crore).

Nick Jonas daqligiisa & hantida uu heesto: Heesaagan caanka ah sidoo kalena jilaaga ah daqligiisa 2019 ama sanadkii hore waa mid aad u sareeyo waxaana soo galay $20m oo dhanka heesaha, xayeysiimaha uu sameeyo iyo xafladaha uu ka qayb qaato ka helay. Sidoo kalena daqligiisa guud waxaa lagu sheegay in $100m uu gaaro lacagaha uu heesto iyo raasumaalkiisa marka la isku daro.

Hantida ay heestaan Priyanka iyo seygeeda Nick Jonas: lamaanaan awooda badan wadar ahaan waxay heestaan $150m hanti ah. Sidoo kalena dhawaan $20m waxay ku iibsadeen guri aad u weyn oo ku yaalo magaalada Los Angeles. Sidoo kale waxaa intaas u dheer inay leeyihiin baabuur badan oo nooca raaxada kala duwan, diyaarad qaas ah, doon nooca raaxada ah iyo hantiyo kale ayay leeyihiin lamaanahan awooda badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here