atariishada Bollywoodka lagu magacaabo Meera Chopra taaso aan ku aragnay filimka lagu magacaabo Section 375 waxaana atariishasan ay dhalatay atariishada caanka ah Priyanka Chopra (ilmo-adeer).

atariishadan ayaa waxaa ku dhacday arrin la yaab leh xili ay casho u doonatay Hotelada ugu qaalisan dalka india maqaaxi ku taala Five Star Hotel ee magaalada Ahmedabad iyadoo raashinkayda ay dalbatay ka dhex heshay tixtri ama goryaan iyadoo atariishadan si weyn ugu carootay falkaas

waxaana durba atariishadan ay sawiro iyo Video soo dhigtay baraha bulshada iyadoo dhaleecaynaysaa Hotelka iyo raashinka lagu iibiyo waxaana durba atariishadan lasoo xariirayn ururka badbaadada dhanka raashinka oo magacooda looso gaabiyo (FSSAI) iyagoo Meera weydiiyay cinwaankayda si ay u garab istaagaan
arrintan ayaa noqotay mid la yaab ku noqotay dad aad u fara badan maadaam Hotelka raashinkiisa tixriga laga helay uu ka mid yahay kuwa ugu nadaafada wanaagsan gudaha india