Xidigaha Bollywoodka qaar kamid ah ayaa lamaan ka dhigteen shaqsiyaad da’ahaan farqi weyn u dhaxeya arinkaas in badan ayaa lagu mashquulay hadal heyna dhaliyay hadaba wey fara badan yihiin lamaanayaasha da-ahaan farqi u dhaxeya ee Bollywoodka katirsan.

Balse waxaan soo qaadanay qaar kamid ah oo ka hadleen arinkaa xiliyo kala duwan iyagoo saxaafada hor joogaan bal hoos kaga bogo waxay ka dhaheen Priyanka, Malaika, Shahid, Arjun ayaa kamid ah kuwa ka hadleen.

Priyanka Chopra-Nick Jonas: wey is guursadeen PeeCee waa 37 jir halka Nick 27 jir yahay hada kahor Priyanka waxay tiri,”wax micno ah ma sameyneyso hadaa Nick 10 sano ka weynahay mida kale hadii ninka gabar uu dhali karo guursado cid ku mashquusha malahan maxaa loogu mashquulaa hadii haweeyney wiil ka yar guursato.”

Priyanka Chopra Jonas

Malaika Arora-Arjun Kapoor: isma guursan wali da’ahaana 9 ssno ilaa11 sano ayaa farqi ahaan u dhaxeya maadama Malaika la sheego inee 43 sano jirto marna 45 jir ayaa lagu sheega halka Arjun 34 lagu sheego.

Malaika Arora

Xidigtaan waxay tiri,”qofka aad xiriir la sameyneyso ama jeclaato da’diisa ma qiimeysid ee qalbigiisa ayaa qiimeysa maadama qalbigaada iyo qalbigiisa wada midoowayaan.”

Shahid Kapoor-Mira Rajput: wey is guursadeen Shahid waa 38 jir halka Mira 25 jir tahay 13 sano ayuu ka weyn yahay waxayna tiri Mira,”Faaido aan lasoo koobi karin ayaa ku qabaa inuu Shahid iga weyn yahay in badan hadana aan xaaskiisa ahay habka loo noolaado qofka kaa weyn ayaa laga bartaa.”

Mira Rajput

Arjun Kapoor-Malaika Arora: xidigaan markiisa wuu ka hadlay in Malaika in badan ka weyntahay waxuuna yiri,” wax dhib ah kuma qabo arinkaa dheef mooyee dadka ayaa u arkaan inaa dhibanahay sheekada sidaa ma ahan nolol tii ugu maceed ayaa dhex dabaalanayaa.”

Arjun Kapoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here