Karwa Chauth waxaa la dhahaa waa maalinta haweenka hinduuga ah ee diinta hinduuga heestaan kuwooda xaasaska ah ay waajib ku tahay iney soomaan sanadkii mar ayeena soomaan shalay oo kale.
Waxay ka soomaan cunista iyo cabitaanka kaliya ilaa dayaxa kasoo baxaayo habeenkii wey soomanaanayaan markuu dayaxa soo baxo ayee afurayan waxaana afuriyaan Ragga iyaga qabaan sababta ay u soomaan ayaa ah cimri dheeri iyo caafimaad qab ay sanamka oga baryaan Raggooda.
Waa wax shirki ah balse dhaqan iyo diin ahaan u heestaan reer hindiya hadaba shalay oo ay ku beegned taariikhda 17 Oct waa maalinta soonka hinduuga xaasaska ah dhamaana wey wada soomeen atiriishooyinka Bollywoodka xaasaska ah kujiraan.
Sidaan idiinla wadaagnayba shalay waxay ku beegneed munaasabada haweenka hinduuga ah cimri dheeri ugu tuugaan Raggooda sanadkii maalinkaas ayeena soomaan hadaba xalay si farxad leh ayaa loo afuray.
Atiriishooyinka Bollywoodka ee xaasaska ahaayen qaar kamid ah waxaa lagu casuumay guriga Amitabh Bachchan inee ka afuraan maadama Jaya Bachchan ay diyaarsay xaflad balaaran iyo afur weyn goobtaas ayaana xalay dayaxii lagu sugaayey oo saf loogu jiray.
Atiriishooyinka shalay soomeen waxaa kamid ah Priyanka Chopra, Deepika Padukone, Anushka Sharma, Raveena Tandon, Shilpa Shetty, Sonali Bendre, Jaya Bachchan iyo kuwa kale oo bada hoos ka daawo sawirada laga soo bandhigay.


