Atiriishooyinka caanka ah Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone ayaa la sheegayaa in baaritaan lagu bilaawayo booliskana wareysan dooaan maadama lagu sheegay inee baraha bulshada ku leeyihiin shacbiyad been abuur ah (Fake Followers) arinkaan ayaana ceeb horleh ku ah shirkada Bollywoodka.

Aduunka oo dhan ayaa laga isticmaala aalada Software-ka ee la falgasha ama taqaano dabeecadaha insaannka waxaana jiraan shirkado iyaga sidaas ku shaqeystaan oo dadka usameyaan ciwaano Fake ah ama been abuur ah si ay shacbiyad ugu helaan magacyada dad caan ah sido kale dadka caanka ah ayaa Software-kan soo dalbadaan si Profile-kooda loogu xiro markaasna si Automatic ah ayuu qofka shacbiyad badan ku helaa.

Software-ka ayaa Automatic ahaan u saarayo Followers been ah ciwaanka dadka caanka ah waxuu sameeyn karaa Like, Comments iyo Share tusaale markii qof booqdo Post Priyanka soo dhigtay durbana uu arko Like badan, Comments badan iyo Followers badan badankooda waa wax Automatic ah oo been abuur ah lana sameeyay.

Sababta Priyanka iyo Deepika arinkaan ugu dhaqaaqeen:

Si ay usoo jiitaan shirkadaha ay xayeysiimaha u sameyaan hadhow dambena ciwaanadooda xayeysiimo loo dulsaarto sida Instagram-ka, Facebook iyo kuwa kale ayee arinkaan ugu dhaqaaqeen ilee lacag waali ah ayee ku helaan marka waxay la xiriiren shirkadaha iyaga Software-kan sameyaan waana loo sameeyay labadan atiirisho, Priyanka 43% shacbiyadeeda baraha bulshada waa been abuur sida booliska sheegen halka Deepika 45% shacbiyadeeda been abuur yihiin ama Followerska.

Majiraan dad kale oo sidaano kale sameyaan:

Haa, 16-million oo ciwaan ayaa guud ahaan India oodhan isticmaalaan Software-ka badiyo shacbiyada been abuurka ah sido kale 176-qof waa dad caan ah oo isugu jiraan Jilayaal, ciyaartooy iyo siyaasiin dhanka jilayaasha waxaa la magacaabay Deepika iyo Priyanka balse Superstars kale ayaa wadada kusoo jiraan.

Talaabada Booliska qaadayaan:

Marka hore sifiican ayaan u baareena ayee dhaheen marka xigtana atiriishooyinkan waa la wareysan doonaa ugu dambeyaan shaqsiyaadka magacyadooda la qariyay ayaa banaanka lasoo dhigi doonaa hadii ku cadaato markaas waa xarig dhamaantood maadama lacag qiyaano ah sidaas ku cuneen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here