Atiriishada caanka ah Priyanka Chopra waa safiirka adduunka ee Hay’ada UNICEF una qaabilsan u doodista xuquuqda caruurta xarunteeda ugu weyna ku taalo dalka Mareykanka xidigtaan ayaa mudo sanado ah xilkaan iyo maqaamkan sare heyso.

Waxay booqatay xeryo badan oo qaxooti ah dunida meelo kala duwana ku yaalaan kuwaaso caruur badan oo daryeel wanaagsan heysanin ku nool yihiin xuquuqdooda ayee u dooday iyo goobta dhibka ku heysta si looga saaro waxbarasho, nabad iyo barwaaqana u helaan ugu dambeyna wey ku guuleysatay.

Hadaba Priyanka Chopra ayaa markii ugu horeysay booskeeda shaqada UNICEf qatar gashay kadib markii wasiir dalka Pakistan kasoo jeeda uu xidigtaan weerar ku qaaday waxuuna madaxda Unicef u diray warqad ka dhan Priyanka in shaqada laga casilo iyo booska ay heyso.

Sababta Maxay Tahay Priyanka Booskan Loogu Diidan Yahay:

Bilaawgii sanadkaan Priyanka wareysi ayee bixisay oo ay kaga hadashay xiisada ka dhaxeysa labada dal India iyo Pakistan si qaas ah dhulka ay isku heystaan ee Kashmir iyadoo PeeCee tilmaamtay in dhulkaas India leedahay.

Waxay sheegtay in Pakistan qaldan yihiin in lala dagaalana mudan yihiin waxayna taageertay fikirka Raiisul Wasaare Narendra Modi oo dagaal ku dhawaaqay dhowr bil kahor.

Saxaafadii wareysiga ka qaadeysay ayaa Priyanka weydiyeen sababta ku kaliftay in ay dagaalka labada dal taageerto ama dagaal ku booriso iyadoo ah xubin kamid ah Unicef kuwaaso dagaal kasoo horjeedaan nabadna ka taliyaan.

Priyanka ayaa ka cuddur daaratay oraahdeeda hadii dad badan ka xanaaqeen waxay kaloo sheegtay in fikirkeeda ku aadan dhulka Kashmir uun ay tilmaameysay balse arinkaas dhib ayuu u keenay xidigtaan.

Wasiirka xuquuqda insaanka u dooda ee dalka Pakistan laguna magacaawo Shireen Mazari ayaa warqad u diray Unicef uu kaga codsanaayo inee Priyanka shaqada ka eryaan. Sababtana waxuu raaciyay in PeeCee qof dagaal huriso ay noqotay iyadoo kamid ah madaxda Unicef sidaa aawged dagaal huriye Unicef kama tirsanaan karo ayuu leeyahay wasiirkan.

Hader waxaa la sugayaa jawaabta madaxada Unicef ay ka bixiyaan warqadaas iyo in booskii Priyanka ku laheed Unicef laga saari doono…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here