Atiriishada caanka ah Priyanka Chopra mar ay ka hadashay waayaheeda ugu xumaa ee ay xaflad ka qeyb gasho waxay ku sheegtay inee ahed sanadkii  2000 xiligaaso ay ku guuleysatay ama loo doortay gabadha dunida ugu quruxda badan (Mss World).

Priyanka oo waayahaas ka hadleysay waxay sheegtay in xafladaas ay ahed tii ugu cabsida badneed ay ka qeyb gasho abid waayo labiska ay xirneed ayaa dhibay qeybta kore jirkeeda oodhan ayaa la arki lahaa xidigtaan hadeysan dadaal badan muujin laheen.

Waxay tiri iyadoo ka sheekeyneysa,”ma fileynin in labiska iga dhici rabay balse si lama filaan anigoo masraxa saaran ayaa dareemay maradii oo iga dhici rabto dhidid aan maleysan karin baa iga yimid markaa talo kale iima muuqan inaan dharka ceshto mooyee.”

“Balse qaab aan la ifahmeyn ayaa ku ceshtay oo waxaan sameeyay gacmaheya ayaa isku dhajiyay anigoo awood ka raadinaayo si aan labisa u celiyo maanto dhan gacmaha dadka inaan ku salaamayo oo “Namaste” inaan leeyahay bey imoodayeen halka ana ay difaac iga ahed oo xoog aan meesha ka raadiyay.”

Ma ahan markii ugu horeysay xidigtaan sidaas ku dhacdo sanado badan kadib iyadoo atiriisho caan ah xaflad Fashion ay ka qeyb galeysay ayee sidaaso kale ku dhacday markale ayeena is bixisay inta badan atiriishooyinka labiska casriga xirtaan dhibkaan ayee la kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here