Atiriishada caanka ah Priyanka Chopra 15 sano kahor waxay maxkamada horteeda ka sheegtay inuu kufsaday Superstar Akshay Kumar xad gudub darana u geestay waliba iyadoo xaas ah sheekadana si dhab ah uma dhicin ee waa Filim dhexdiisa marka ay sidas leedahay.

Taariikhda 12 Nov 2004 waxaa la daawaday Filimka Aitraaz ee ay wada jileen Akshay Kumar, Priyanka Chopra, Kareena Kapoor, Amrish Puri iyo kuwa kale waana Filim Average noqday darajo ahaan si weyna loo jeclaaday mar dambe oo uu tiyaatarada ka dagay.

Filimka dhexdiisa Priyanka waxay isku dayee inee qasabto Akshay oo xaasle ah iyadana markaas waa xaas oo Amrish Puri ayee udhaxdaa halka Akki la nool yahay Kareena Kapoor kadib Akki dalabkeeda wuu ka diida iyo inuu gogol dhaaf la wadaago.

Inkastoo xiriir hore lahaayen hadana xaaskiisa Bebo iyo wacadkii uu ka qaaday ayuu xusuusana wuuna isaga tagaa Priyanka kadih iyadoo xanaaqsan waxay go’aansanee inee maxkamada ku dacweyso sheekadana u bedesho inuu iyada kufsaday.

Laakiin waxaa dhexda xiraneysi oo ninkeeda difaaceyso xaaska kartida badan ee Kareena Kapoor taaso kalsooni xad dhaaf ah u heysa Akki ugu dambeyna waa laga guuleysana Priyanka.

Akhriste maxaa ka xusuusata mashruucan hadal heynta dhaliyay markuu soo baxay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here