Lamaanaha caanka ah Priyanka Chopra iyo Nick Jonas ayaa la sheegaya inee iibsan doonaan maalmaha xiga guri qiimahiisa lagu sheegay $20 Million waana guri qasri weyn ah dooqoodana noqday waxayna go’aansadeen inee u wareegaan qasrigaas.

Aqalkoodi hore ayee iska iibiyeen oo ay ku iibiyeen $6.9 Million si ay qasriga cusub u iibsadaan balse lacagta wali ma aysan soo buuxinin waana sababta keentau in maalmo ku qaadato iibsashada aqalkan cusub.

Waxaa la sheegay in Priyanka jeclaatay qasrigan cusub ee aan wax sawir ah laga heynin ilaa hadda kadibna Nick ayaa deg deg ku go’aansaday inuu xaaskiisa u iibiyo qasrigaas qiimahiisa $20 Million yahay xidigaan lacagta uu hader haayo waa $6.9 Million oo uu aqalkoo hore ku iibiyay inta dhiman qasnadiisa gaarka ah ayuu dabcan kasoo bixin doonaa.

Waxaan wada sugnaaba waa aqalka cusub ay iibsanayaan lamaanahan sawirada laga soo bandhigo iyo xiliga sida rasmiga aj ula wareegi doonaan gurigaan quruxda lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here