Waxaan idiin la wadaagnay in atiriishada Kriti Kharbanda si geesinimo leh shaaca kaga qaaday inee xiriir la leedahay atooraha ay shaqo wadaaga yihiin ee Pulkit Samrat mudo dhowr bilood ah ayaana sheekadooda la hadal hayey oo la isku xamanaayey.

Markii ay soo bandhigayeen goos gooska Filimkooda Pagalpanti Kriti saxaafada horteeda Pulkit na xaadir ahaa waxay ku sheegtay xiriirka inu run yahay sido kalena waxay qiratay in Pulkit yahay wiilka sida dhabta ah ay u jeceshahay waqtigaan.

Hadaba Pulkit maalintaas ma uusan hadlin kaliya qosol ayuu sheekada kusoo afjaray maanta xili uu xayeysiin u sameynaayey isla mashruucas lawada sugaayo saxaafada kama aysan yeelin oo wey weydiyeen ileen waa dad hadal raadis ahe niyahow daraad qosla kabixi weyse maanta hadal ayaa la yiri.

Waxuu dhahay,”marnaba ma qarineeno xiriirkena waana so bandhignay sida Kriti idiin sheegtayba sababta aan ula soo daahnah inaan idiin shaacino ayaa ahed dhanka qoyska oo aan kasoo talaabsan weynay.”

Pulkit Samrat and Kriti Kharbanda talk about relationship, 'We are not hiding it, we need space'

“Qoysaskeena ma ahan dad saxaafada la falgalaan iyo kaamirooyinka waa dad xishood badan sidaa aawged waxaan diidaneen amar la’aantooda inaan dadka u bandhigno xiriirkeena qaaska ah markee inoo fasaxeen waan idiin la wadaagnay.”

Lamaanahan waxaa la sheegay in 2020 arooskooda dhici doono oo labada dhinac qoysaska sidaa isku afgarteen balse shaaca lagama qaadin arooskooda Pulkit wuxuu yiri wixii dheeraad ah ee soo kordha waan idiinla socodsineena sidaas ayuu hadalka kusoo xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here